DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in hal mowqif ah laga qaato warbixinta BBI

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ugu baaqay inay meesha ka saaraan kala duwanaanshaha u dhaxeya ee ku aaddan qaabka loo dhaqangelinayo qodobbada ku xusan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
William Ruto ayaa carrabka ku dhuftay inaan loo baahneyn in iyadoo la eegayo dano siyaasadeed dadweynaha la marin habaabiyo ama jahwareer la abuuro.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka ayuu Ruto sheegay inuu si buuxda u taageerayo warbixinta maalmo ka hor lagu soo bandhigay xarunta Bomas ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here