DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in laga gudbo siyaasadda kala qeybinta ku saleysan

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo socdaal ku tagay ismaamulka Migori ayaa soo jeediyay inaan la sii wadin adeegsiga siyaasad sida uu hadalka u dhigay ku saleysan kala qeybinta shacabka iyo qabyaaladda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka talada haya ee Jubilee uu diiradda saarayo ka dhabeynta ballanqaadyadii uu Kenyaanka u sameeyay.
Shacabka ayuu ku booriyay in dowladda ay ku tageeraan arrimaha horumarka oo ayna iska dhaga tiraan siyaasadda lagu marin habaabinayo.
Dr. Ruto ayaan ka hadlin warqad la sheegay inay dhawaan soo baxday taasi oo ku aaddan qorsho lagu doonayo in looga takhaluso.

 

Dhanka kale wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Peter Munya ayaa iska fogeeyay inuu ka qeyb galay kulan looga arrinsanayay in ku xigeenka madaxweynaha dalka la dhibaateeyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kulmada uu qeybta ka ahaa ay dhammaantood diiradda saarayeen arrimaha horumarka.

 

Sido kale siyaasiyiin uu ka mid yahay xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa dalbanaya in baaritaano la sameeyo oo hadii ay soo baxdo in warqadda la hadal hayo ay been abuur tahay dadkii ka dambeeyay lala xisaabtamo.
Sido kale waxay ku baaqayaan in Dennis Itumbi oo eedeysane ah loo ogolaado inuu soo bandhigo muuqaal uu sheegay inuu hayo si xaqiiqda loo ogaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here