DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in laga run sheego aftida dastuurka loo qaadayo

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa siyaasiyiinta hor kacaya ama taageeraya ololaha loogu jiro in la qabto afti wax looga beddelayo dastuurka wadanka u degsan u soo jeediyay inay Kenyaanka runta u sheegaan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in daacad laga ahaado geedisocodkan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan suurtagal ahayn in shacabka la marin habaabiyo iyadoo sida uu hadalka u dhigay loo daneynayo siyaasiyiin gaar ah.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Meru ayuu ku nuuxnuuxsaday in Kenyaanka ay xaq u leeyihiin inay qaataan go’aanka ugu dambeeya ee lagu beddelayo dastuurka sidaasi awgeedna la joogo xilligii dadweynaha loo adeegi lahaa.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dowlad deegaankaasi ayaa ku xigeenka madaxweynaha ku taageeray mowqifkiisa waxayna sheegeen inay lagama maarmaan tahay in la raaco nidaamka habboon ee la xariira sharci beddelka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here