DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay inaan sharci beddel lagu mashquulin

134

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wakiilada golayaasha hoose ee ismaamulada dalka iyo madaxda laga soo doortay deegaanada kala duwan kula taliyay inaynan isku mashquulinin ololaha wax looga beddelayo dastuurka wadanka u degsan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in mudnaanta koobaad la siiyo wax u qabashada Kenyaanka iyo horumarinta nolosha dadweynaha.
William Ruto ayaa sheegay inuunan ka soo horjeedin isbeddel waliba oo wadanka horumar u horseedayo balse uunan marnaba garab siin doonin qorsho kasta oo sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiin qaar ah keliya ay doonayaan inay ka faaiidaan

 

Hadalka Ruto ayaa ku soo beegmaya iyadoo hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot uu dadaal ugu jiro in golayaasha ismaamulada ay ansaxiyaan hindise sharciyeed uu soo saaray oo ku aaddan in la qabto afti isbeddelo dhowr ah lagu sameynayo dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here