DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo midnimo ugu baaqay hoggaamiyaasha

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha la soo doortay iyo kuwa haya xilalka bulshada loogu adeego ugu baaqay inay midnimo muujiyaan.
Waxaa uu kaga digay inay ku mashquulaan falal iyo jeedinta hadalo kala qaybsanaan ka dhex abuuri karo.
William Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday in madaxda laga doonayo inay garab siiyaan maamulka talada haya ee Jubilee si loo oofiyo waxyaabihii loo ballanqaaday shacabka xilligii ololaha doorashada.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa xusay in hoggaamiyaasha xita iyagoo qabo aragti kala duwan looga baahan yahay inay is qadariyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here