DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo siyaasiyiinta ugu baaqay inay diiradda saaraan u adeegidda shacabka

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa madaxda siyaasadeed ee la soo doortay iyo mas’uuliyiinta haaya xilalka kala duwan ee dowladda ku booriyay inay xoogga saaraan sidii ay ugu adeegi lahayeen dadweynaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay jiraan dhibaatooyin badan oo Kenyaanka haysta oo la doonayo inaan laga horumarin danaha gaarka ah.
William Ruto ayaa isagoo ku sugan ismaamulka Uasin Gishu sheegay in doodaha iyo wada-hadallada hadda jiro la doonayo inay noqdaan kuwo ku saleysan caqabadaha wadanka .
Waxaa uu tusaale u soo qaatay shaqo la’aanta haysata shacab badan iyo saboolnimada oo uu sheegay inay xala degdeg ah u baahan yihiin.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday in madaxda laga doonayo inay iska kaashadaan wanaajinta nolosha dadweynaha .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here