DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo u digay maamulayaasha dugsiyada

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa digniin adag u diray maamulayaasha dugsiyada wadanka iyo guddiyada maareeya ee loo yaqaano BOG isagoo sheegay inaan arday laga dalban Karin inuu bixiyo lacag ku saabsan cuntada carruurta loo kariyo.
Dr. Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka talada haya ee Jubilee uu qarashaad badan ku bixiyay sidii carruurta kenyaanka ah ay waxbarasho u heli lahayeen sidaasi awgeedna aanan loo baahneyn in taasi la carqaladeeyo.
Waxaa uu maamulayaasha uga digay inay ardayda xaafadaha u diraan iyagoo doonayo inay waalidiinta ka soo qaadaan lacag lagu bixinayo qarashaadka cuntada gaar ahaan xilliga qadada ee duhurkii maadaama dowladda ay taasi kafaala qaadday.

 

Hadalkan ayuu ku xigeenka madaxweynaha dalka jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bungoma ee gobolka galbeedka dalka.
Digniinta uu soo saaray ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu dhawaan sheegay in sannadkan dowladdu ay ku guulaysatay in boqolkiiba boqol ardaydii 2018-kii dhameeyay dugsiyada hoose dhexe inay ku biiraan dugsiyada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here