DHAGEYSO:Madaxweyne Sh Shariif oo ku baaqay in dib loo bilaabo wad hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in la joogo waqtigii dib loo bilaabi lahaa wada hadaladii Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.
Madaxweyne Sh Shariif ayaa sheegay in xiligii dowladii KMG ka ahay uu hogaaminayay ay bilowday wad hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland balse uu Nasiib daro ku tilmaamay inay markale wada hadaladaasi hakad Galaan sidoo kalena in dib markale loo bilaabo ay mudo dheer qaadatay.
Madaxweynihii dowladii KMG ka ahayd ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in hada dib loo bilaabo wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland lagana garaabo tabashada dadka Soomaaliyeed eek u nool waqooyiga Soomaaliya.
Wuxuu tilmamaay inay iyagu xoriyada iyo dowlada Soomaaliyaba soo bilaabeen sidaas darteedna la doonayo inay cidkasta ka qayb qaadato midaynta iyo dhamanta khilaafaadka ka dhex jira dadka Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed oo ka hadlayay xalada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in wali aysan muuqan bisayl siyaasadeed iyo isku Tanaasul hogaamiyeyaasha dhexdooda ah lagana doonayo in dadka shacabka muhiimada koobaad la siiyo si dalkaan markale uu cagihiisa isugu taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here