DHAGEYSO:Madaxweyne Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Bangiga Aduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magalada New York ee dalka Mareykanka kulan gaar ah wuxuu kula qaatay Madaxda ugu saraysa Bangiga Aduunka.
Xubnaha uu Madaxweynaha Soomaaliya la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass,wuxuuna si gaar ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo u siiyay warbixin ku saabsan qaabka uu Bangigu ula dhacsanyahay hanaanka Maaliyadeed ee Dalka Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in kulanka ay sidoo kale kamid ahaayeen Agaasimaha guud ee hay’ada Lacagta aduunka IMF ee hada xilka ka sii dagaya David Lipton iyo Kristalina Georgiev oo iyaduna ah Agaasimaha cusub ee dhawaan shaqada la wareegi doonta.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan Magalada New York ayaa shirarar doceedyo kala duwan waxaa uu la qaadanayaa qaar kalena uu la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb-galeysa Shirka 74aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa sharaxa Kulmadaas iyo kale kale oo heerkoodu Sareeyay loogana hadlay arimaha dalka Soomaaliya oo Madaxweyne Farmajao ka qayb Galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here