DHAGEYSO:Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo balaayin lacag ah u qoondeeyay si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka

Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo dhawaan khudbad jeediyay ayaa soo bandhigay qorsho la xiriira dhaqaalaha oo ka kooban 8 qodob waxaana ka mid ah
3 bilyan oo shilin ayaa loo qoondeeyay ganacsiyada yar.
2 bilyan waxaa dib loogu soo kabayaa waaxda dalxiiska.
5000 oo dhaqaatiir dheeraad ayaa muddo hal sano gudihii la shaqaleysiinaya.
6.5 bilyan waxaa lagu shaqaleysiinaya 10,000 oo macallimiin ah.
1.7 bilyan waxaa lagu dayactiraya isbitaallada dowladda.
259 milyan oo shilin waxaa si toddobaadla ah loogu taageeraya qoysaska dhibaatooyinka u nugul.
Kiisas cusub oo ah 31 waxay hadda marayaan 1192 sida uu shaaciyay madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyatta.
Hogaamiyaha ugu sareeya dalka ayaa sheegay in cudurka CoronaVirus uu dhaqaalaha dalka dhulka galiyay.
Waxaa uuna sheegay in kenyaanka ay xaalado adag wajahayaan iyadoo lagu guda jiro musiibada caabuqa Corona.
Mr Kenyaatta ayaa carabka ku dhuftay in dowladda ay qaadayso talaabooyiin ay ku fududeynayso nolosha Kenyaanka si ay noloshooda sida caadada u ahayd u wadaan isagoona intaas ku daray in hadii ay kenyaanka iskaashadaan laga guulaysan doono Fayraska Corona.

Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa ka dhawaajiyay in aysan sii wadi doonin in kenyaanka ay ku amraan in guriyahooda ay joogaan oo ayna shaqooyiinka ka reebaan.
Waxaa uuna si sarbeeb ah u sheegay in hadii la qaado bandowga iyo xayiraadaha saaran dalka uu qof walba ku qasbanaan doono inuu dadkisa iyo naftiisaba ilaaliyo si uusan cudurka u faafin.
Madaxewynaha dalka ayaa intaas ku daray in ay imaan doonto mar un dalka laga qaado xayiraadaha saaran.

Dhanka kale madaxweyne Uuru Kenyaatta aya khudbadiisa maanta kaga faa’idaystay inuu muslimiinta ugu hambalyeeyo ciidul Fitriga oo maanta Kow ah iyadoona ay dadka qaarkooda bari u bilaamanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here