DHAGEYSO:Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo kulan weyn la yeelan doona hogaamiyaasha dalka

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay galabta in 3 usbuuc ka dib uu kulan weyn la qaadan doono mas,uuliyiinta ismamaulada dalka ,hogaamiyaasha diimaha sida imaamyada,ganacsatada iyo qof walba oo daneynaysa hormarka dalka.
Madaxweyne Kenyaatta ayaa ka dhawaajiyay in waajibkooda tahay in dalka hormar la gaarsiiyo.
Mr Kenyaatta ayaa sheegay in hogaamiyaasha uu kala hadli doono hormarka uu dalka ku talaabsan karo marka laga baxo xaaladaha Corona Virus.
Kenyaanka ayuu ugu baaqay inay midoobaan oo ay isjeclaadaan si dalka loo hor mariyo.
Waxaa uu sido kale ku baaqay in la iska fogeeyo naceybka iyo siyaasada sido kalena lala dagaalamo musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here