DHAGEYSO:Madaxweyne Xaaf oo Dhuusamareeb Garay

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu Maanta safar dhinaca dhulkaa ku tegay Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Xaaf oo xalay ku hodey Magaalada Gelinsoor,isagoo ka yimid Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta barqadii kusoo dhaweeyey duleedka deegaanka Godinlabe,Madaxweynaha Galmudug,kuxigeenkiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,iyagoo ugu dambeyn soo gaarey Magaalada dhuusamareeb.
Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada dhuusamareeb qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha amaanka ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaay kusoo dhaweeyeen Madaxweyne Xaaf oo ay Godinlabe kasoo wadeen Madaxweynaha Galmudug & kuxigeenkiisa.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ugu dambeyn ogolaaday inuu xilka wareejiyo ayaa Galabta ilaa Caawa waxaa uu Magaalada Dhuusamareeb ka wadi doonaa kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo Mas’uuliyiinta Galmudug.
Xaaf Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo Madaxweynaha Cusub Axmed Cabdi Kaariye (Qoor )Qoor) oo haatan ku sugan Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa warbaahinta la hadlay,iyagoo ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada deegaanada maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here