DHAGEYSO:Madaxweynihii hor ee Koonfur Galbeed oo eedaymo u jeediyay Madaxweynaha Soomaliya

Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sh Aadan oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay sharci darro tahay in ku dhawaad lixdan Cisho uusan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo soo Magacaabin Ra’iisul wasaare kaddib Markii uu baarlamaanku Kalsoonida kala noqday Xukuumadii uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre.
Shariif Xassan Sh Aadan ayaa wuxuu Baadil ku Tilmaamay Talaabo kasta oo ay qaadeen Wasiirada Kalsoonida waayay ee Xilka Sii haya wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ku eedeeyay inuusan sida uu hadalka u dhigay sharciga dhowreyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here