DHAGEYSO:Madaxweynihii hore dalka Tanzania oo geeriyooday

Waxaa la xaqiijiyay inuu dhintay madaxweynihii hore wadanka Tanzania Benjamin Mkapa,oo da’diisu ahayd 81 sano jir.
Geerida madaxweynihii hore waxaa lagu xaqiijiyay war saxaafadeed uu soo saaray madaxweyne John Magufuli.
Mkapa, oo ah madaxweynihii saddexaad ee dalkaas Bariga Afrika ayaa jagada madaxtinimada hayay 1995 ila 2005.
Madaxwqeynaha wadanka Tanzani Magufuli ayaa warbixin ka soo baxday xafiiskiisa loogu baaqay shacabka reer Tanzania inay samraan xiligan adag oo ayna midoobaan.
Mkapa, Wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu muhiimsan ee xisbiga talada haya CCM sida uu yiri Magufuli.
Madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa si qiiro leh uga hadlay geerida Benjamin Mkapa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here