DHAGEYSO:Madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arap Moi oo maanta xus qaran loo sameynaya

Waxaa maanta xus qaran oo uu kenyaanka ku hoggaamin doono madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta loo sameyn doonaa hoggaamiyhii labaad ee talada wadanka hayay muddo 24 sano ah Daniel Toroitich Arap Moi oo maalmo ka hor geeriyooday.
Xuska qaran ayaa ka dhacaya garoonka cayaaraha ee Nyayo Stadium ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa ka qeyb galaya dad aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin ilaa saddex boqol oo qof oo ka soo safray ismaamulka Garissa iyo ilaa 10 ka mid ah madaxweynayaasha wadamada kale ee caalamka.
Shalay ayay ahayd maalinkii saddexaad oo ay shacabka iyo mas’uuliyiinta fursad u heleen inay arkaan meydka Moi oo yaallay xarunta baarlamaanka.
Sido kale galinkii dambe ee shalay ayay xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare yeesheen kal fadhi gaar ah oo ay ku xusuusanayeen noloshii Moi iyo waxyaabihii uu dalka u qabtay.
Mas’uulkan hore ayaa madaxweyne ahaa intii u dhaxaysay sannadkii 1978-dii ilaa 2002-dii.
Waxaa uu horay u soo noqday madaxweyne ku xigeen in kastoo uu talada dalka kala wareegay madaxweynihii koowaad Jomo Kenyatta oo geeriyooday 42 sano ka hor.
Dhanka kale maanta ayaa ah maalin fasax sida uu horay u shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi.
Kenyaanka iyo madaxda kala duwan ayaa fursad u helaya ka qeybgalka xuska qaran ee Moi loo sameynaya.
Waxaa uu qorshuhu yahay inay maalinka Arbacada ee Moi la aasaya jaamacadda Kabarak University isugu tagaan ugu yaraan 30,000 oo qof.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa sheegay in aaskaasi si weyn loogu diyaar garoobay.
Dhanka kale dadkii eheladooda lagu laayay xasuuqii Wagalla Massacre ee Wajeer sannadkii 1984-tii ayaa dowladda ka dalbanaya inay magdhow u sameyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here