DHAGEYSO:Madaxweynihii hore ee Hirshabeele oo ka hadalay Amaan darada wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar

Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlayay falalka Amni darro ah ee mararka qaar ka dhaca wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya & Jowhar Caasimada Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inay ku lug leeyihiin Arrimo Siyaasadeed.
Cali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlayay Idaacadda Voa-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in waqtigii uu joogay ee uu ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Amniga wadadaas ahaa mid wanaagsan,hayeeshee haatan aysan mas’uuliyiinta mari karin,isagoo Tilmaamay inay sabab u tahay Arrimo siyaasadeed oo kajira degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.
Waxaa uu sheegay in sababaha keenay Amni dararda wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ay tahay mid siyaasadeysan oo lagu doonayo in lagu yareeyo dhaq dhaqaaqa Xildhibaannada Maamulka oo badankood soo aada Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho & Jowhar ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weeraro lagu dilay Askar, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale waxaana adkaatay in Masuuliyiintu ay wadadaas isticmaalaan sida Kali ah oo ay ku imaan karaaan Magaalada Muqdisho waa inay soo raacaan Diyaarad oo ay dhanka hawada adeegsadaan.
Marar badan ayaay Masuuliyiinta Maamulka Hirshabeelle waxay sheegeen in wax laga qabanayo amaan darada ka jirta wada isku Xirta Muqdisho iyo Jowhar oo Al-shabaab ay weeraro Toos ah ka gaystaan oo xitaa 5 Bishii July ee ina dhaafya ay AL-shabaab xildhibaan Xaaji Maxamed ka tirsanaa baarlamaanka Maamulka hirshabeelle intay kala dageen gaari uu la socday oo marayay aaga Magaalada Balcad ee gobolka shabeelada Dhexe ay halkaas ku dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here