DHAGEYSO;Madaxweynihii labaad ee dalka oo shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan tirakoobka qaran

Madaxweynihii hore ee dalka Mr. Daniel Arap Moi oo ka mid ahaa Kenyaanka shalay la xisaabiyay ayaa shacabka ugu baaqay inay si weyn uga qeyb qaataan tirakoobka qaran.
Mr. Moi ayaa dadweynaha ku baraarujiyay in barnaamijkan oo tobankii sano hal mar ah la qabto uu aad muhiim u yahay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tirakoobka qaran uu kaalin weyn ka qaato qorshayaasha dowladda iyo dejinta xeerarka kala duwan ee dhanka horumarka.
Senetarka ismaamulka Baringo ahna guddoomiyaha xisbiga KANU Mr.Gideon Moi ayaa dhankiisa shacabka kula taliyay inay si dhow ula shaqeyaan sarakiisha dowladdu ay u xilsaartay tirinta dadweynaha ee guriyaha tagaya.
Sido kale wakiilka laga soo dortay magalada Dadaab Maxamad Cabdi Faarax ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka qeeyb qaataan tirakoobka wuxuuna ku booriyay dhamaan bulshada in aysan arrinkan fududaysan isla markaana ay tahay mas’uuliyad guud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here