DHAGEYSO:Magaalada Cadaado oo dad hor leh ugu geeriyoodeen Covid 19

Magaalada Cadaado

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya waxaa Maanta ku geeriyooday dad horleh oo lagu arkay Calaadamaha Cudurka Coronavirus kadib markii Isbitaalka weyn ee magaaladaas la geeyay,kuwaasoo ahaa dhamaantooda dad da’ah.
Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Guud ee Degmada Cadaado Cabdi Fooljaawe ayaa sheegay in dadkaasi lagu arkay astaamaha lagu garto qofka qaba Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus,isla markaana labada Ruux ay kala ahaayeen hal rag ah iyo hal Dumar ah dhamaantooduna waayeelo ah.
Waxaa uu sheegay in Magaalada Cadaado todobaadkaan dadka lagu arkay Calaadaha Cudurka Coronavirus ay gaareen 8 ruux,isagoo sheegay in Gurmad deg deg ah ay dadka Magaalada Cadaado u baahan yihiin.

Dhinaca kale Wararka laga helaayo Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Diyaarad sida qalab caafimaad kana timid Maamulka Galmudug, Dawladda Faderaalka ah iyo Ganacsato Reer Cadaado ah oo ku sugan Muqdisho goordhow loo daabulayo Magaalada Cadaado si dadka halkaas ku nool ay u helaan daryeel dhanka caafimaadka ah.
Arintaan ayaa imaanaysa ayadoo Madaxweyanaha Galmudug uu xalay ka qeyb galay shirka Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID19 oo looga hadlay xaaladaha kasoo kordhay deegaannada maamulkaas.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Guddiga uga war bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Deegaanada Galmudug ee Cudurka Coronavirus.
Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa amray in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo deegaannada Galmudug ee xaaladaha daran ay ka jiraan gaar ahaan Magaalada Cadaado.
Galmudug ayaa bilaabeysa la tacaalida iyo xakameynta COVID- 19, kaasoo kiisas kamid ah laga helay sidoo kalena dad looga shakisanaa cudurka ay ku geeriyoodeen Magalada Cadaa.
Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay xaalado cusub oo ku saabsan cudurka Corona kuwaaso kadib baaritaano la sameeyay la xaqiijiyay.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 8 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaasoo haatan ku jira xaalad karantiil ah halka laba qof oo kale ay Cudurka ka bogsadeen.
Dadka cudurka laga helay oo isugu jira 5 Rag iyo 3 Dumar ayaa waxaay dhamaantood ku sugan yiin Magaalada Hargeysa ee caasimada Soomaaliland oo kiisaska ugu badan laga helay waxaana dadka Cudurka laga helay ay da’dooda u dhaxeysaa 29 Sano jir ilaa 59 Jir.
Ugu dambeyn Guddiga xakaymta cudurka Corona ee Soomaaliland ayaa sheegay in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga diiwaangeliyay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 225 Ruux 23 Ruux ay ka bogsoodeen halka 17 qof ay u geeriyoodeen xanuunka.
Todobaadyadii ugu danbayay warbixinada maalin laha ah ee ay soo saaraysay Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa muujinayay in gobolada dalka Soomaaliya uu si aad ah ugu baahay cudurku waxaana jirta cabsi xoogan oo cudurka la xiriira faafitaanka cudurka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here