DHAGEYSO:Mahad Cawad oo sheegay inaysan baarlamaanku ogayn wixii lagu heshiiyay

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka hadlay walaaca xildhibaanada hadda jooggaa ay ka qabaan inaysan ku soo laaban kuraastooda, maadaama uusan qaarkood xiriir wanaagsan kala dhaxeyn madaxda maamulada.
Waxaa uu Madaxweynaha Puntland ugu baaqay inuusan hor istaagin xildhibaanadii deegaanada Puntland ahayd doorashadoodu hadii kale aysan ansixin doonin heshiiskii dhawaan lagu gaaray Muqdisho ee maamulada iyo dowladda dhexe.
Waxaa uu tilmaamay in kuraasta xildhibaanada ay ku fadhiyaan qaarkood la doonayo in laga badallo goobihii loogu tala galay cabsi laga qabo Madaxda maamulada ee hadda joogga.
Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in kursigiisa uu kala soo cararay Puntland oo uuna keensaday Galmudug halkaasna uu doonayo in halkaas lagu soo doorto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here