DHAGEYSO:Maleeshiyaad ku dagaalamay Duleedka Kismaanyo oo Baaq nabadeed loo diray

Kadib markii Saacadihii la soo dhaafay ay dagaalo geystay khasaaro kala duwan duleedka Magaalada kismaayo ku dhex-mareen laba maleeshiyo beeleed oo isku deegaan ah ayaa waxaa soo baxaya baaqyada nabadaa ee Maleeshiyaadkaas loo jeedinayo.
Dagaaladaan ayaa ka dhacay Deegaannada Fuumo, Kooyaamo iyo Jiroole oo gobolka Jubada Hoose ka wada Tirsan,waxaana la sheegay in dadkii deeganka badi dagaaladaas kaubarakaceen.
Senater Iftiin Xasan Baasto oo kamid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada lagu dagaalamay ayaa ugu baaqay dhinacyada diriraya inay wax walba miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.
Wuxuuna intaas ku daray Xildhibaanku in Odayaasha & Waxgaradka deegaannada lagu dagaalamayo ay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamaya hadii ay yihiin Xildhibaannadana aysan aqbaleyn dagaalkaas.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay dhawaan tegi doonaan deegaannada lagu dagaalamayo,iyaga si loo kala dhex-galo labada maleeshiyood ee dhibaatadu ku dhex martayduleedka Galbeedka Magaalada kismaayo.

Dagaal beeleedka duleedka Kismaanyo ayaa soo noqnoqday Dhaamaadkii Bishii Janaayo ee sanadkaan ayayna ahedy markii Ardayda iyo Haweenka ku nool Magaalada Ksimayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ay dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedeen dagaal beeleedyo deegaannadaas kasoo cusboonadey.
Dhanka kale Wasaaradda Beeraha & Waraabka Maamulka Jubbaland ayaa sheegtay inay wadda qorshe ay ku xirayso kanaalada kasoo baxa webiga, si looga hortago fatahaadaha Wabiga Jubba oo horay deegaano dhowr ah uga fatahay.
Xubno ka socda Wasaaradda Beeraha Jubaland ayaa Gaaray degaannada Buulaguduud iyo Wirkoy,iyagoo xirey ilaa Saddex goobood oo kamid ah meelaha uu Wabiga Jubba uga fataho beeraha ku yaalla deegaankaasi.
Qorashaha xeritaanka faraha uu Wabiga ka fataho ayaa yimid,kadib markii roobkii Guga uu ka curtay degaano ka tirsan Jubbaland, Wabiguna uu buux dhaafiyey,taasoo keentay cabsida laga qabo fatahaad uu Wabiga sameeyo.
Wasiir kuxigeenka Beeraha Jubbaland Mahad Muxudiin Maxamed ayaa sheegay inay jiraan meelo kale oo ay doonayaan inay xiraan si uusan wabiga u fatahin,waxyeelana ugu gaysan beero fara badan.
Guddoomiyaha deegaanka Wirkooy Cali Ibrahim Kitoow ayaa uga mahad celiyey Maamulka Jubbaland qorshaha lagu xiraayo faraha uu Wabiga ka fataho,isagoo sheegay in sanadkii hore laba tacab uu waxyeelo u geystay wabiga fahaada uu sameeyey.
Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee Mara gobolada Jubooyinka,Gedo,Hiiraan iyo shabeelooyin ee dalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore waxay sameeyeen fatahaad xoogan,waxaana fataahadaas waxyeelo kasoo gaartey Beero badan sidoo kalena ay ku barakaceen Kumanaan qoysas ah.
Dhanka kale Maamulka Hirshabeelle ayaa asna deegaanadiisa waxaa ka jirta cabsida la xiriirta inuu wabigu ku fataho deegaanada uu maro ee gobolada shabeelada dhexe iyo hiiraan.
Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa sheegay inaysan wax diyaar garow ah jirin oo ku saabsan fatahaada wabiga taasina ay cabsi weyn ku abuurtay beeralayda deegaanada maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here