DHAGEYSO:Maleeshiyaad ku dagaalamay gobolka Mudug oo baaq loo diray

laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda deegaanada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta wuxuu dagaal ku dhex-maray deegaanka lagu Magacaabo Taaroge oo ku yaalla duleedka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Labada maleeshiyo Beeleed oo dirirtoodu soo noq noqotay ayaa waxaa ka soo baxaya sida uu dagaalku ku bilowday warar kala duwan waxaana jira qasaare ka dhashay.
Wararka ayaa sheegaya in deegaanka Taaroge ee gobolka Mudug ay Maanta ku baxeen wafdi uu hogaaminaypo Senetor Cabdi Xassan Cawaale qaybdiid oo ka tirsana aqalka Sare ee Soomaaliya.
Duqa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ee maamulka Galmudug Xirsi Yusuf bare oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo wuxuuna sidoo kale sheegay inay ka maamul ahaan aad uga xun yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here