DHAGEYSO:Maleeshiyad Galgaduud ku dagaalamay oo heshiis hor dhaca ah laga gaadhay.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in heshiis horu dhac ah laga gaaray Dagaalo beeleed labo maleeshiyo oo isku deegaanka ku dhexmaray deegaano duleedka ka ah degmada Balallanbele ee gobolkaasi Galgaduud.
Kadib wadahadalo maalmo Socday dhinacyada ayaa isku afgartay in colaadaas la soo afjaro si dadka deegaanku ay nabad ugu wada Noolaadaan.
Taliyaha ururka 15-aad ee qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Mascuud Maxamed Warsame ayaa sheegay inay Talaabooyin muhiim ah oo xiisadaasi lagu soo afjarayo ay ka gaareen colaadaasi.
Waxa uu sheegay in odayaal ka socda labada dhinac iyo ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliya dadaalo badan Sameeyeen si Colaadaasi loo joojiyo,isagoo xusay inay Macluumaad badan ka soo uruuriyeen wixii colaadaasi Sababay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here