DHAGEYSO:Manaasabadda Sannadguurada Koobaad ee duqa Muqdisho oo Xalay la qabtay

Munaasabadda lagu qabtay Xarunta dhalinyarada Gobolka Banaaadir ayaa waxaa lagu maamuusay hal sannoguuradii ka soo Wareegtay markii uu xilka la wareegay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamad Maxamuud Cumar Filish.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxda ka tirsan labada Gole ee dowladda,Maamulka Gobolka iyo qaar ka mid ah shacabka Caasimada Ku nool.
Xildhibaan Carab Xassan Cilmi,Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Abshirow oo dhamaantood ka mid ah Mudaneyaasha Golaha shacbiga ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Muhiimada ay leedahay in guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay qayb Lixaad leh ka qaataan hormarinta iyo dib u dhiska dalkooda Hooyo.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamad Maxamuud Cumar Filish ayaa ugu horayntii wuxuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajo uga mahadceliyay sida uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu garab istaagay waxyaabihii u qabsoomay mudadii halka Sano ahayd ee uu xilka hayay wuxuuna sheegay inay markasta ka go’antahay hormarinta howlaha gobolka iyo Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here