DHAGEYSO:Mandera oo laga xusay maalinka AIDS-ka adduunka

Waxaa deegaanka Lafey ee ismaamulka Mandera maanta lagu qabtay dabbaaldeg ku saabsan xuska maalinka caalamiga ee cudurka AIDS-ka iyadoo mas’uuliyiinta caafimaadka ay idaacadda Star FM faahfaahin ka siiyeen xanuunkan.

Xuskan ayaa 1-da bisha Diseembar oo maanta ku beegan sannad kasta dunida oo dhan laga maamuusaa waxaana 2019-ka hal ku dhig u ah in bulshooyinka ay isbeddel sameeyaan.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo warbixin dhawaan la soo saaray lagu sheegay in dhimashada la xiriirta xanuunka AIDS-ka ay hoos u dhacday boqolkiiba 50 guud ahaan dalka halka tirada dadka ee uu saameeyay ay yaraatay boqolkiiba 30.
Warbixintan oo ay soo saartay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan la tacaalidda cudurkan ayaa waxaa ku cad in tirada dhimashada lala xiriirnayo xanuunkan ay hoos u dhacday sideedi sano ee la soo dhaafay.
Aggasimaha UNAIDS Winnie Byanyima ayaa sheegtay inay taasi tahay horumar wanaagsan.
Waxay intaasi ku dartay in dadka ugu badan ee uu AIDS-ka noloshoodu galaafto ay yihiin kuwo saboolka ah ee aan awoodin inay helaan daryeel caafimaad oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here