DHAGEYSO:Mariga oo loo oggolaaday inuu u tartamo xilka xildhibaananimo ee Kibra

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa shir jaraaid oo uu maanta qabtay waxaa uu ka sheegay in musharaxa xisbiga Jubilee ee dooraashada ku celiska , deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi McDonald Mariga uu hadda xor u yahay inuu loolanka ka qeyb galo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii musharaxan lagu wargeliyay in magaciisa laga waayay liiska codbixiyayaasha ee dalka taasi oo keentay in laga mamnuuco inuu ka qeyb qaato tartanka lagu buuxinayo xilkii uu banneeyay Ken Okoth oo u geeriyooday cudurka Kansarka.
Hasa ahaate go’aankaasi ayuu racfaan ka qaatay waxaana mowqif ka duwan midkii hore la soo saaray kaddib markii cabashadiisa ay dhageysteen xubnaha guddiga IEBC u qaabilsan qaabilaadda iyo dhageysiga dacwadaha.
Sharciga dalka u degsan ayaa dhigaya in si qofku uu xil siyaasadeed ugu tartamo ay khasab tahay inuu codbixiye kenyaan ahaan iskudiiwaangeliyay.
Guddigan oo uu guddoomiya ka yahay Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay in meesha laga saaray go’aankii hore sidaasi awgeedna dadweynaha ay u xaqiijinayaan in Mariga uu yahay codbixiye iskadiiwaangeliyay deegaanka Starehe.
Mr. Chebukati ayaa sarkaalka IEBC u qaabilsan maareynta doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra , Beatrice Muli ku amray inay sida ugu dhaqsiyaha badan dokumeentiyada habboon iyo shahaadada xulashada ku wareejiso Mariga.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale xusay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin inuu cusbooneysiiyo diiwaankiisa taasina aan loo baahneyn inay carqaladeyso geedisocodka codeynta ku celiska ah.
Qareenada Mariga ayaa toddobaadkii hore sheegay in caddeeynta ay haystaan ay tahay warqaddii shaqaalaha IEBC ay siiyeen McDonald Mariga kaddib markii uu isdiiwaangeliyay taasi oo guddigu uu tixgeliyay..
Mr. Mariga iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee dalka sido kalena ah senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet , Kipchumba Murkomen oo kaddib go’aanka IEBC warbaahinta la hadlay ayaa yidhi

 

Doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra ayaa la qorsheeyay inay dhacdo 7-da bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan waxaa uuna Mariga la tartamayaa Bernard Otieno oo loo yaqaano Imran Okoth oo matalaya xisbiga ODM, Eliud Owalo oo uu soo saaray xisbiga ANC iyo musharaxiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here