DHAGEYSO:Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo Hobyo ka dhagaxdhigtay Xarun Caafimaad

Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Saynab Cabdi Macalin oo ay wehelinayaan Madaxweyne Kuxigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa si wada jir ah uga dhagax dhigay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug CIsbitaal loogu tala galay daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Marwada Madaxweynaha ayaa sheegtay inay ujeedkeeda koobaad yahay hormarinta Caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed ayna doonayso inay deegaano Badan ka hirgalin doonto adeego caafimaad oo bilaash ah.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug iyo Xildhibaan Ubax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankooda waxay bogaadiyeen qorshaha ay marwada koobaad ee qaranka Soomaaliya Saynab Cabdi Macalin oo kaashanaysa Hay’aado kale ku hirgalinayso Xarumaha Caafimaad ee Hooyada iyo dhaqalnka gaar ahaan tan Hobyo laga hirgaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here