DHAGEYSO:Masaajidda oo maanta dib loo furay

Waxaa maanta dib loo furay masaajidda dalka oo in muddo ah xirnaa kaddib soo jeedin ka timid gole-diimeedka loo xilsaaray arrinkan.
Masaajidda la furay waxaa ka mid ah masjidka Andalus oo ku yaalla dabaqa Eastleigh Mall ee xaafadda islii, deegaanka Kamukunji.
Waxaa istuudiyaha nagula sugan Sheekh Cabdicasiis Xibil oo ah imaamka masjidka.

Dhanka kale Culimada iyo imaamyada masaajidda ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa sheegay in waqti xaadirkan aynan suurtagal ahayn in dib loo furo masaajidda.
Waxay walaac ka muujiyeen qodobada gole-diimeedka iskudhafka ah uu ku xiray dib u furka masaajidda sida inaynan tagin dadka 58 sano ka weyn.
Sido kale waxay cabasho ka muujinayaan inaynan wada heli Karin adeegyada loo baahan yahay sida biyaha si joogto ah gacmaha loogu dhaqdo waxayna dowladda ka codsadeen inay dib u eegis ku sameyso shuruudaha ay soo saartay

Cabashadan mid la mid ah ayaa ka soo yeeraysa madaxda kaniisadaha oo sheegaya inay aad u yartahay tirada dadka loo ogolaaday inay isticmaalaan goobaha cibaadada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here