DHAGEYSO:Masjidka Jamia ee Nairobi oo maanta la furaya

Waxaa maanta dib loo furi doonaan masjidka weyn ee Jamia ee magaalada Nairobi oo bilooyin xirnaa.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan maalmo ka hor uu soo saaray guddiga masaajidka.
Dadka muslimiinta ee doonaya inay halkaas ku tukadaan ayaa lagu wargeliyay inay guriyahooda ka soo waysa qaataan sido kalena la yimadaan sajaayad ama salli ay ku tukadaan.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee twittarka ee Jamia ayaa lagu xusay in qof kasta laga doonayo in la baaro heerkulka jirkiisa ka hor inta uunan masjidka gelin.
Sido kale waxaa shuruudda ka mid ah in gacmaha lagu dhaqdo saabuun ama gacma nadiifiyaha loo yaqaano sanitizer iyo biyo.
Waxaa xirnaanaya musqullada iyo goobihii lagu waysa qaadan jiray.
Maamulka masjidka ayaa sheegay inay jiraan shakhsiyaad loo xilsaaray hagidda dadweynaha sidaas awgeedna la doonayo in loo dhaga nuglaado.
Waxyaabaha kale ee lagu xiray dib u furka masjidka Jamia ee Nairobi waxaa ka mid ah xirashada maaskarada iyo inaan hal salli la wada isticmaalin.
Sido kale labada qof ee isugu dhow ayaa isku jiraya 1.5 miitir waxaana mamnuuc ah in lagu tukado goobo la calaamadeeyay.
Maamulka Masjidka Jamia ayaa fariin wargelin ah oo uu soo saaray kaga hadlay xilliga masjidka la furaya iyo albaabada kala duwan ee laga gelaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here