DHAGEYSO:Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ka qayb-Galay Xuska Aas-aaska Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad Ballaadhan lagu Dhiiragalinayay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Shalay u Dabaaldagay 76 sano Guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Booliiska Soomaaliya.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka qaybgalay gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sh C/raxmaan,Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre,xuno ka tirsan labada Gole ee dowlada,Taliyaha ciidanka Booliska Soomalaiyeed.Taliyeyaashii hore ee Booliska qaarkood iyo Xubno kale.
Gudoomiyaha golaha Shacbiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sh C/raxmaan oo khudbada dhinacyo badan Taabanaysa munaasabada ka jeediyay ayaa hanbalyo iyo bogaadin u diray ciidanka booliska Soomaaliyeed oo Xusaya 76 guuradii ka soo wareegtay aas-aaskooda,wuxuuna gudoomiye Mursal sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay hayaan howl adag una baahan in lagau Ixtiraamo sidoo kalena lagu dhiira galiya shaqada ay qaranka u hayaan.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo isna Magaalada garowe kaga qaybgalay munaasabada Maalinka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada BoolisKA Soomaaliyeed ay markasta dadaal dheer ugu jiraan sidii ay wadanka uga xorayn la haayeen kooxaha argagixisada loogu yeero ayna markasta dagaalo adag kula jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here