DHAGEYSO:Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka qayb Galay Munaasabad Duco ah oo loo Sameeyay Gudoomiyihii gobolka Banaadir

DWasiiro,Xildhibaano,Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xubno Kale oo katirsan dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo iyo Kooxo Ciyaareed ayaa ka Qayb Galay Munaasabad Duco ahayd oo loo Sameeyay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya AUN Marxuum C/raxmaan Yariisow.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamedd Cumar Filish,WAsiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo dal xiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka qeyb galay kulankaas loogu duceynayay allaha unaxariisto marxuum Eng Cabadiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir kowdii Bishoo Agoosto ee Sanadkii Hore ugu geeriyooday Dalka Qatar Dhaawaca ka Soo gaaray Qarax ka dhacay Guriga dowlada hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here