Dhageyso:Masuuliyiin Ka Tirsan koonfur Galbeed oo wado cusub Xariga ka jaray

Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliueed ee Koofur galbeed ayaa xarigga ka jaray waddo muhiim u ah isku socodka bulshada oo laga dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Gudoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan iyo Wasiirka arimaha gudaha,dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxay sheegeen inay Xarig jarka wadadaan ay muhiimada gaara leedahay ayna qayb ka tahay bilicda Magaalada Baydhaba iyo hormarinta Kaabasheeda.
Masuuliyiintaan ayaa shacabka kula dardaarmay inay ilaaliyaan adeegyada danta guud ee ay wadadaan ka mid tahay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here