DHAGEYSO:Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya oo kormeeray dhisme casri ah oo wasaarada loo dhisay

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda qorsheynta Qaranka,Hormarinta dhaqaalaha iyo Maalgashiga caalamiga ee dowladda Fedraalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Agaasimeyaasha Waaxyahan kala duwan ee wasaaradda ayaa kormeeray Dhismaha Xarunta Wasaaradda oo si casri ah loo dhisay.
Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa sheegay inay dib u dhiska xarunta wasaarada qorshaynta muhiimad weyn u leedahay hal abuurka howl-wadeenada iyo gudashada waajibka saaran.

Sagaalkii bishii Sagaalaad ee Sanadkii 2018-kii ayuu xaruntaa dhagax dhigay ra’isulwasaaraha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo xiligaas uu wehlinayay wasiirka wasaarada Qorshaynta qaranka Jamaal Maxamed Xassan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here