DHAGEYSO:Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tacsiyeeyay geerida madaxii fulinta ee Safaricom

Waxaa weli isa soo taraya tacsida ay mas’uuliyiinta dalka u dirayaan qoyska , ehelada iyo asxaabta madaxii fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee geeriyooday Bob Collymore.
Mr. Collymore ayaa isagoo 61 sano jir ah saacadihii hore ee saaka ku dhintay magaaladatani Nairobi kaddib muddo sanado ah uu uu la xanuunsanaa cudurka Kansarka.
Waxaa uu ka tagay xaaskiisa iyo afar carruur ah oo uu dhalay iyadoo durbaba baraha ay bulshada ku wada xariirto gaar ahaan Twitarka ay qabsadeen cinwaanno lagu ammaanayo madaxii fulinta ee Safaricom .
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida mas’uulkan oo uu ku tilmaamay hoggaamiye magac ku lahaa waaxda isgaarsiinta sido kalena la tabi doono kaalintii uu ku biiriyay horumarka wadanka.
Madaxa mucaaradka Nasa Raila Odinga , madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi , barasaabka Mombasa Cali Xassan Joho, dhigiisa Nairobi Mike Sonko, xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee Ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye,xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Macharia Kamau iyo wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Monica Juma ayaa dhammaan diray tacsi la mid ah tan madaxweynaha.
Aadan Keynaan ayaa hoosta ka xarriiqay in la joogo xilligii Kenya ay maalgelin ballaaran ku sameyn lahayd adeegyada caafimaadka si wax weyn looga qabto cudurka Kansarka ee galaaftay noolosha dad badan.
‏Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa sido kale qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka ku sheegtay in qof lagu daydo uu ka baxay waaxda ganacsiga gaar ahaan shirkadaha isgaarsiinta.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ka hadlay geerida Bob Collymore ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

 

Shirkadda Safaricom ayaa dhankeeda bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mas’uulkan uu bishii Tobnaad ee sannadkii 2017-kii Ingiriiska u tagay inuu iska soo daweeyo nooca kansarka ee ku dhaca dhigga ee loo yaqaano AML isagoo wadanka dib ugu soo laabtay bishii toddobaad ee sannadkii hore.
Guddoomiyaha shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Nicholas Nganga oo ka tacsiyeeyay geerida Mr. Bob ayaa sheegay in toddobaadyadii ugu dambeeyay xaaladdiisa caafimaad ay sii darsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here