DHAGEYSO:Masuuliyiinta gobolka Hiiraan oo faahfaahin ka bixyay qarax shalay galinkii danbe ka dhacay Beledweyne

Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka war bixiyay qarax ka dhacay Shalay Galab Garoonka kubadda cagta Degmada Beledweyne ee Laqanyo oo Xiligaas ay ka socotay Ciyaar u dhaxaysa afarta Xaafadood ee degmada Beledweyne ay ka kooban tahay.
Qaraxa ayaa ahaa mid wadada lagu aasay wuxuuna qabsaday mid ka mid ah Baabuurta Ciidanka booliska Hirshabeelle Inta La xaqiijiyayna waxaa ku dhintay sadex qof oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada Booliska.
Guddoomiye ku xigeenka Siyaasada iyo maaliyada Maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cali Maadeey ayaa faahfaahiyay qaraxaas iyo qasaaraha uu dhaliyay.

Taliyaha guutada 5aad Qaybta 27-aad e Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Con.Faarax Cali Waasuge Faarax Kooshin ayaa isna dhankiisa ka warbixiyay nooca uu ahaa qaraxaan wuxuuna balanqaaday inay Ciidamada amaanku sii laba jibaari doonaan howlagalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada ay gobolka hiiraan kaga sugan yihiin.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed guutada 5-aad ee qaybta 27 iyo ciidanka Booliska gobolka Hiiraan ayay wararku sheegayaan inay gacanta ku dhigeen dad looga shakisan yahay inay qaraxaas ka danbeeyeen kuwaasoo loo sii gudbiyay xarumaha barista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here