DHAGEYSO:Mas’uuliyiinta gobolka xeebta oo sheegay inay si qoto dheer u eegayaan warbixinta BBI

Hal maalin un kaddib markii shaaca laga qaaday warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayay mas’uuliyiinta siyaasadeed guda galeen inay ka falceliyaan.
Qaar ka mid ah madaxda laga soo doortay gobolka xeebta ee dalka ayaa sheegay inay si qoto dheer u eegi doonaan qodobbada warbixinta.
Waxay sheegeen inay xaqiijinayaan in shacabka ismaamullada xeebta ay dani ugu jirto soo dhaweynta iyo taageeridda warbixinta.
Mudanaha laga soo doortay waqooyiga Kilifi Owen Baya ayaa dareenkiisa ku aaddan warbixinta sidan u muujiyay

Dhanka kale shacabka ismaamulka Nandi ayaa dowladda ugu baaqay inay deegaanada hoose ka sameyso wacyigelin ku saabsan warbixinta oo ayna dadweynaha fahansiiso waxyaabaha ay soo jeedinayso

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here