DHAGEYSO:Masuuliyiinta Hirshabeelle oo ku kala aragti duwan doorashada

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inaysan wax loo baahan yahay ahayn is qabqabsiga siyaadaseed ee madaxda maamulkaas waxayna xuseen inay dhamaan arimaha la isku haysto ay ku saabsan yihiibn doorashada hogaanka maamulkaas ayadoo dhanka kalena ay jirto dhibaatada xanuunka Covid 19 oo loo baahan yahay in hal dhinac looga soo wada jeesto.
Mid ka mid ah siyaasiinta deegaanada maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo ay horay ugu heshiiyeen madaxweynaha Hirshabeelle iyo gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas balse hada suuroobi waayay sababo la xiriira dhibaatooyinka jira.

Shalay ayay ahayd markii labo wareegto oo iska soo horjeeda ay soo kala saareen madaxweynaha maamulka hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkas Sh Cismaan Bare Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here