DHAGEYSO:Masuuliyiinta Hirshabeelle oo u digay dadka Shabaab garsoorka ka doonta

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu soo saarey digniin ku socota dadka ku nool Gobolkaas ee mararka qaar Garsoorka u doonta Maxkamadaha Al-Shabaab,iyagoo sheegay inay tallaabo sharciyaysan ka qaadi doonaan cidkasta oo Falkaas lagu arko hada kadib.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne ee Xurnta gobolka Gobolka Hiiraan Cimaan Dhicisow Dhuuboow ayaa sheegay in Maxkamadaha Gobolka Hiiraan ay si wanagsan u Shaqeeya,isla markaana dadka looga baahan yahay inay u soo gdbiyaan wixii dacwo ah oo ay qabaan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inay jiraan dad Garsoor u doonta Al-Shabaab,isgoo tilmaamay inay Al-Shabaab yihiin dad Xukuman oo aan waxba ayagu xukumi karin sida uu hadalkiisa ku sheegay.
Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa dhankiisa sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan la aqbali karin dadka Garsoorka u doonanaya Maxkamada Al-Shabaab,isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Amarkaan iyo digniintaan kasoo baxdey Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadayaan xilli ay jirtay in dad badan oo ku nool Gobolka Hiiraan ay dawacwadahood u gudbiyaan Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolkaas ku yaala wallow dhowr mar ooh ore dignoono loo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here