DHAGEYSO:Masuuliyiinta Jubaland oo sheegtay inaan wax gorgortan ah laga galayn aminga deegaanada maamulkaas.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaanyo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in isbadal balaadhan lagu Sameeyay amaanka Magaaladaasi kadib weerarkii ay dadku badan ku dhinteen ee Maalinkii Jimaca ina dhaafay magaaladaasi ka dhacay.
Ciidamada amaanka ayaa sare u qaadya baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga Magaalada si looga Hortago Suurta galnimada Weeraro kale oo lagu qaado Bartamaha Magaalada.
Warbaahinta gudaha Soomaaliya waxay sheegayaan in wadooyinka muhiimka ah iyo Xaafadaha Magaalada Kismaayo lagu Soo daadiyay Ciidamo Fara badan.
Sidoo kale waxaa labadii Cishe ee la soo dhaafay Xaafadaha Magaalada Kismaayo ka jiray Bandow xiliga habeenkii ah ayadoo aysan jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah.
Waxaa Magaalada Kismaanyo si Joogta ah mudadaas uga dhacayay Shirar gaar gaar ah oo amniga Magaalada looga hadlayay ayna kasoo qayb galeen masuuliyiinta gobolka iyo Saraakiisha Ammaanka.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa isku Yeeray dhamaan Taliyeyaasha ciidamada wasiirka amniga iyo shaqsiyaadka kale ee Ammaanku quseeyo waxayna kawada hadleen Nabad Galyada Magaalada Kismaayo iyo dhamaan deegaanada Maamulka Jubaland.
Weerarkii galinkii danbe ee Jimcaha ka dhacay Magalada Kismaanyo waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay 26 qof halka in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.
Afartameeyo ka mid ah dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen ayaa la dhigay Isbitaalka Wey nee Kismaayo Saraakiisha Caafimaadka ayaana sheegay in kuwo badan oo ka mid ah dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay weerarkaas ay hada soo kabanayaan halka kuwii xaaladaha halista ah ku jirayna loo sii gudbiyay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Dr Xuseen Sh Qaasim oo ah madaxa ugu Sareeya Isbitaalka Magaalada Kismaanyo ayaa Faahfaahinaya dadka dhaawacyada ah ee ay dabiibeen iyo kuwa Muqdisho u gudbiyeen.

 

Maalinkii Jimcaha ee 12-kii bishaan xili qorax dhac ah ayay ahayd markii dagaalameyaal ka Tirsan AL-shabaab ay weerar ku bilwoda Isqarxin iyo Dagaal Toosa oo Xigay ku qaadeen Hoteelka lagu Magacaabo Cascaseey ee magaalada Kismaanyo waxaana ka dhashay Qasaare kala duwan oo soo gaaray Masuuliyiin dad Shacab ah iyo hanti intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here