DHAGEYSO:Masuuliyiinta maamulka Puntland oo soo saaray amaro caafimaad

Kadib kulan aan caadi aheyn oo ay Magaalada garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ku yeesheen Golaha Wasiirada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaay kasoo saareen go’aamo ku saabsan txadarka Cudurka Coronavirus ee caalamiga sida deg dega ah ugu faafayo aadkana looga cabsi qabo.
Kulanka oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa warbixino looga dhageystey qaar kamid ah Wasiirada Puntland iyo Guddiga qaban qaabada shirka 15 Bishaan ka dhacaya Garoowe ee horay uu ugu baaqay Madaxweynaha maamulkaasi.
Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee maamulka Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey ayaa sheegay in shirka intiisa badan looga hadlay dhibaatada Cudurka Coronavirus ,isla markaana Puntland ay diyaarisey Xarumo dadka lagu karantiilo oo ku yaalla Magaalooyinka Boosaaso,Garoowe iyo Gaalkacyo sidoo kalena la baarayo dadka kasoo dagaya Garoomada diyaarahada si xanuunkaasi looga feejignaado markasta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Golaha Wasiirada Puntland ay go’aan ku gaareen in muddo la hakiyo doomaha kalluumeysi ee deegaannada maamulka Puntland uga yimaado Caalamka si looga digtoonaado Caabuqa Cudurka Coronavirus inuu halkaas soo gaadho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here