DHAGEYSO:Masuuliyiinta Puntland oo ka hadlay qarax Garowe ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Magaalada Garoowe Caasimada Maamulka Puntland laguna weeraray mas’uuliyiin uu kamid ahaa guddoomiyihii Gobobolka Nugaal uu ahaa Ruux isku soo xirey waxyaabah qarxa oo ismiidaamiyey.
Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtey gudaha Magaalada Garoowe ayuu ku sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan qaraxaas,sidoo kalena ay hayaan qeyb kamid ah xogta ku saabsan qofkii isku qarxiyey Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ee dhaawaca u geeriyoodey iyo taliyihi hore ee qeybta Booliska Gobolkaas oo haatan dhaawaca la jiifa isbitaalka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland wuxuu xusay inay ka go’an tahay ka hortaga dhacdooyinka amni darro ee ka dhaca deegaannada Maamulkaas,waxaana uu sheegay inay ka jawaabi doonaan qarixii ka dhacay Magaalada Garoowe oo ka mid ahayd Magaalooyinka ugu amniga Badan dalka Soomaaliya.

Qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Garoowe laguna weeraray Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab,iyagoo sheegtay inay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Dhanka kale Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa cambaareeyey qaraxii Xalay ka dhacay magaalada Garoowe wuxuuna sheegay in falkan uu muujinayo sida Al-Shabaabku dadka u dhibaateynayaan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay heegan kaga jiraan ka hortagga cudurka Corona oo ah musiiba Caalami ah hadana ay markasta diyaar u yihiin ka hortaga qatarta Al-Shabaab.
Wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay midnimo iyo wadajir kaga gudbaan marxaladahan adag oo gacanna ay iskaga xoreeyaanShabaab, gacanta kalena ay kaga hortagaan musiibada caalamiga ah ee cudurka Koroona.
Wasiirka ugu dambeyn ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi, wuxuuna ayaa Alle caafimaad deg-deg ah uga barya saraakiisha ciidan iyo dhammaan dadka birmo-geydada ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here