DHAGEYSO:Masuuliyiinta Sare ee Soomaaliya oo gobolka Gedo booqanaya

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo socdo la filayo in degmooyin ka tirsan Gobolkaasi Gedo ay tagaan Xubno ka mid ah madaxda ugu saraysa dalka Soomaaliya sida wasiiradadiyo Madaxda qaranka.
Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in Gobolka Gedo ay imaan doonaan Madaxda Ugu sareysa Dowladda sida Madaxweynaha ama Ras’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga iyo xubno kale oo sar sare.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ilgaar ah ku heyso Gobolka Gedo,kadib cabasho kasoo gaartey Shacabka,isla markaana Ciidamada ay Dowladdu Keentay Gobolka Gedo ay yihiin kuwo ilaalinaya Amniga Xaduudaha dalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo ayaa wuxuu Maanta gaaray degmada Baladxaawo wuxuuna kormeeray xarumaha ay deggan yahiin ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliska Ciidamada gobolka gedo ayaa sheegay inay Markasta Diyaar u yihiin ilaalinta amaanka xaduudaha iyo shacabka ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here