DHAGEYSO:Maxay barasaabyada Waqooyi Bari ku taagereen warbixinta BBI

Guddoomiyaasha ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ee gobolka Waqooyi bari ee kala ah Cali Bunow Qorane, Maxamad Cabdi Maxamuud iyo Cali Ibraahim Roba oo shirka shalay Mombasa ka dhacay ka qeyb galay ayaa sheegay inay taageerayaan warbixinta BBI Cali Bunow ayaa xusay in taageerada ay u muujinayaan BBI ay tahay mid ku saleysan soo afjaridda siyaasadda lagu kala qeybsamo , in la xoojiyo sida bulsho kasta ay dowladda uga dhex muuqato, horumar iyo barwaaqa la wada gaaro iyo kheyraadka dheeraad oo la gaarsiiyo dowlad deegaanada.
Cali Ibraahim Roba, guddoomiyaha Mandera ayaa dhankiisa xusay inay lagama maarmaan tahay in isbeddeladda BBI iyo heshiikii Uhuru iyo Raila la daadjiyo.
Inaynan jirin cid laga tago oo dhinacyada kala duwan laga qeyb geliyo geedisocodka jira.
Barasaabka ismaamulka Wajeer ,Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in BBI ay mideynayso shacabka iyadoo loo marayo baaqii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ee ahaa in fursad la siiyo wada hadal iyo arrimaha horumarka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogo xilligii dib loo eegi lahaa horumarka lagu tallaabsaday tan iyo intii 2010-kii la soo saaray dastuur cusub.
Dhanka kale guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Faarax Macallin ayaa xusay inay doonayaan in la wanaajiyo waddooyinka gobolka waqooyi bari
Sido kale waxaa uu carrabka ku dhuftay hannaanka hoggaanka ee baarlamaaniga ah, in miisaaniyad dhan boqolkiiba 45 la gaarsiiyo ismaamullada sido kalena sinnaan dhanka horumarka ay jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here