DHAGEYSO:Maxkamad Soomaaliland ku taala oo xukun ku riday milkiilaha Telefishinka Astaan

Maxkamadda Gobolka ay Soomaliland u taqaano Maroodi-jeex ayaa Maanta Milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan Yuusuf ku riday kala isugu jira Xabsi iyo ganaax.
Maxkamadda ayaa ku riday Milkiilaha Astaan TV 5 Sano oo Xarig ah sidoo kale Xarumaha Astaan TV ee degannada Soomaaliland ayaa la xayiray waxaana laga doonayaa inuu bixiyo Ganaax lacageed oo dhan 2 Billion oo ah Shillinka Soomaaliland.
Illaa iyo hadda lama sheegin sababta uu ku mutaystay ciqaab intaas le’eg, Milkiilaha Astaan TV kaas illaa bishii July ee sanadkaan ku xirnaa xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa.
Qareenada u doodayay Cabdimanaan Yuusuf ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Soomaaliland ku riday waxayna tilmaameen in markii hore sharci darro lagu xiray, sharci darrana lagu xukumay.
Dhinaca kale, ururka saxaafadda Soomaliland ayaa cambaareeyay xukunka lagu riday Cabdimanan, waxayna ku tilmaameen xadgudub weyn iyo cadaalad darro ayagoo sheegay inay Racfaan ka qaateen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here