DHAGEYSO:Maxkamada Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Xukun Dil ah ku riday Askari Dil Gaystay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa Maanta waxaay soo geba-gabeysay dhagaysiga dacwad la xiiriirtay dil qof Shacab ah loogu geystay duleedka Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dacwada ku saabsan Dilka qofka Shacabka ah ayaa waxaa loo heystay Saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda,waxaana Maxkamada Ciidamada ay Maanta xukun dil toogasho ah ku riday mid ka mid ah askarta oo lagu Magacaabo Maxamed Ibraahim Axmed, kadib markii la sheegay inuu dilkaasi isagu ka dambeeyay.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Dhame, Maxamed Cabdulle Aadan Amiin oo Warbaahinta u Akhriyay xukunka Maxkamada ayaa sheegay in falka dilka ah uu ku cadaaday Dable Maxamed Ibraahim Axmed,isla markaana lagu xukumay dil toogasho halka la siidaayay labada askari ee kale,kadib markii wax dambi ah lagu waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here