DHAGEYSO:Maxkamada gobolka Banaadir oo sheegtay in aysan Caddeyn Cidda eedeysay Wariye Gurbiye

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta la horgeeyay Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ayaa kasoo horjeesatay in aysan awood u la aheyn qaadida Kiiska Wariyaha oo todobaadkii hore Qareenada Wariyaha u dooday ay ku sameeyeen is horistaag.
Waxa ay Maxkamadu sheegtay in ay Kiiska Mar kale dib u dhigtay.
Garsooraha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan caddeyn Cidda soo eedeysay Wariyaha, islamarkaana looga baahan yahay xeerilaalinta in ay soo caddeeyaan.
Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay in xeer ilaalinta habka ay dacwadda u soo qoreen in aysan waafaqsaneyn xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, sidoo kalena aysan ku cadeyn waxa loo heysto wariyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here