DHAGEYSO:Maxkamada Gobolka Banadir oo ka hadlay dhibaatooyinka Xabsiyada ka jira

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka banaadir Muuse Macalin Maxamed oo ka qayb galayay munaasabad lagu waynaynayay 50 sano guuradii kasoo wareegtay markii la’aas aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Carruurta Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ku qabaan xabsiyada dalka.
Waxa uu tilmaamay in aysan jirin Xabsi ugaar ah Caruurta oo loogu talagalay in lagu xero mararka ay galaan falal dambiyeedyada taasoo keenta in lagu dhex xiro dadka waawayn xabsiyada ay ku wada jiraan.
Wuxuu intaasi uu ku daray Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir in dhawaan uu xabsiga kasii daayay laba Caruur ah oo galay fal dambiyeed maadaama aysan jirin meel ugaar ah oo loogu talagalay in lagu xiro caruurta ayna halkaas Tacadiyo kala kulmayaan.
Muuse Macalin Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka banaadir ayaa dhamaan Hay’adaha ay howshaan qusayso Faray inay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda galaan shaqadaan si loo kala saaro caruurta iyo dadka waa weyn ee halka meel la iskula Xirayo.

Dhanka kale wasaarada Cadaalada ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegay inay golaha wasiirada u gudbiyeen sharciga ilaalinta xaquuqda caruurta si looga hortago in caruurtu dhibaatooyin ka kulmaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu Xabsiga dhexe leeyahay qayb caruurta loogu tala galay oo lagu dhaqan Celiyo ayna dhamastirayaan waxyaabaha ka dhiman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here