DHAGEYSO:Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday rag Shabaab ah

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 60aad ayaa Maanta waxaay xukun ku riday Nin la sheegay in lagu helay la shaqeynta Ururka Al-Shabaab ee ku sugan degaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Ninka la sheegay in lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu Magacaabaa Xasan Cali Gaas, waxaana Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qaybta 60-aad ay ku eedeysay inuu la Shaqeynayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Tuulada Ceelgaras.
Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda kas oo abxay ayaa sheegay in Xasan Cali Gaas lagu qabtay, isagoo waday 218 Xabo oo rasaasta Qoray AK47 ah oo uu u wadayTuulada Ceel-garas oo ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana Maxkamadda ay ku xukunta Shan sano oo xabsi Ciidan ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xukun sane Xasan Cali Gaas uu u furan yahay racfaan ku siman muddo 30 Cisho ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamo kamid ah kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dilal geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here