DHAGEYSO:Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwado Musuqmaasuq

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u fariisatay Dacwad ka dhan eedaysanayaal loo haysto kiisas la xiriira Musuqmaasuq ayaa sheegtay in loo soo gudbiyay cadaaymo wx ku ool ah oo la xiriira waxyaabaha lagu soo eedeeyay.
Labadaan eedaysane ayaa kala ahaa Wiil iyo aabihiis wuxuu midkood ka shaqaynayay wasaarada warfaafinta halka kan kale uu ahaa Mulkiilaha shirkad dowlada Qandaraas la gashay balse aan fulin.

Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee qaranka Soomaaliya Farxaan Xuseen Maxamed ayaa faahfaahinaya eedaymaha shaqsiyaadkaan loo soo jeediyay.Dhanka kale Qaarka u doodayaye eedaysaneyaasha ayaa sheegay inaysan jirin wax cadaymo ah oo lagu hayo sidaas darteedna maxkamada ka codsaday inay shaqsiyaadkaan helaan xukun cadaaladeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here