DHAGEYSO:Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukunno ku riday Musuuliyiin wasaaradda Caafimaadka ka tirsan

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Maanta xukunno ku riday masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowladda Soomaaliya kuwaasoo dhowr bilood u xirnaa fal musuq-maasuq la xiriira.
Dadkaan oo tiradoodu gaarayso ilaa 9 qof ayaa dhamaantood waxaa loo haystay masuqmaasuq kuwaasoo xukunka racfaan ka qaadan kara sida ay maxkamaddu sheegtay.
Xubnahaan ayaa maxkamadeyntooda waxaa ay soo martay heerar kala duwan,waxaana Maxkamadda Gobolka Banaadir ay sheegtay in lagu helay dambiyada loo heystay sidaasina lagu xukumay.
Mas’uuliyiintaan ayaa lagu riday xukuno Xabsi ah halka qaarkood la siidaayay markii dambi lagu waayay,waxaana mas’uuliyiintaas ay kala yihiin.
Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali oo lagu eedeeyay xatooyo Xoolo dadweyne,waxaana lagu xukumay 9 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 Dollar iyo ka reebid Xafiis Dadweyne.
Agaasimaha Waaxda Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Buule Maxamuud oo lagu helay danbiga xatooyo Xoolo Dadweyne, waxaana lagu xukumay 18 sano oo xariga ah,ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar iyo ka reebid Xafiis Dadweyne
Madaxa Xisaabadka ee mashruuca wacyigelinta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Mahdi Abshir Maxamed oo lagu helay xatooyo xoolo dadweyne, waxaana lagu xukumay 12 sano oo Xabsi ah ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar iyo ka reebid Xafiis Dadweyne.
Madaxa mashruuca mallaariyada ee Wasaaradda Caafimaadka Bashiir Cabdi Nuur waxaa lagu xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 1183 Dollar iyo ka reebid Xafiis Dadweyne
Dhinaca kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay in la siidaayo 5 qof oo kale oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kuwaasoo Maxkamaddu sheegtay in dambi lagu waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here