DHAGEYSO:Maxkamda Ciidamada Qalabka sida oo amarta in la toogto dadka abaabulaya colaadaha shabeelada Hoose

Gudoomiyaha maxkamda Darajada Koobaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya Xassan Cali Nuur Shuute iyo xubno kale oo garsoorka ka socda ayaa gaaray degmada Walanweynee gobolka Shabeelada Hoose halkaasoo maalmihii la soo dhaafay laga soo tabiyay dagaal beeleed dhibaatooyin badan ay ka dhasheen.
Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha maxkamda Darajada Koobaad ee Ciidanka Qalabka Sida wuxu sidoo kale sheegay inay dhawaan go’aamo ka soo saari doonaan cidkasta oo halkaas xasuuq ka gaysatay.

Gudoomiyaha gobolka shabeelada Hoose Ibrahaim Adan Najax ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inaysan shaqsiyaad kale isku dirin oo aysan colaado dhexdooda ka abaabulin.
Sidoo kale wasiirka Cadaalada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay masuuliyiinta gobolka iyo waxgaradka deegaanka inay dowlada dhexe dadaal badan galisay ka jawaabida ficilada foosha xun ee halkaas laga gaystay ayadoo dhanka kale isu imaatinka bulshadu Qatar leeyahay xiligaan ooa duunku la dagaalamayo cudurka sida sahlan la isugu gudbiyo ee Covid 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here